Ismaamulka Amxaarada ee Waqooyiga Itoobiya ayaa eedeymo culus uu jeediyay Jabhada hubeysan ee Oromo Liberation Front (OLA).

Jabhada OLA waa garabka ka go’ay Jabhada OLF, kadib markii ay Jabhada OLF isku dhiibtay Gumaysiga Itoobiya, waxayna Ismaamulka Amxaarada Jabhada OLA ku eedeeyeen inay dilal kala duwan ka geysteen deegaanadooda ee Ismaamulka Amxaarada.

Temesgen Tiruneh oo ah masuul sare oo katirsan Ismaamulka Amxaarada ayaa sheegay inay Jabhada OLA ay weeraro ka geysteen deegaanka Amxaarada, xili uu wareysi ka bixiyay idaacad ku hadasho afka mucaaradka Xabashida oo loo yaqaano ESAT

Masuulkan ayaa sheegaya inay Jabhada OLA weerar kuso qaadeen Hotel ku yaallo degmada Bati oo ka ag dhow wadada isku xidho Kombolcha iyo Asaita, wuxuuna Temesgen Tiruneh sii sheegay in dagaalyahano katirsan Jabhada OLA ay bam gacmeed ku tuureen hotelka, taas oo keentay inay 5 ruux ku dhaawacman sida uu hadalka u dhigay

Jabhada OLA weli kama jawaabin eedeymahan, sidoo kale mana jirto cadaymo rasmi ah oo ay soo bandhigeen Ismaamulka Amxaarada oo Jabhada OLA ku xiraayo inay weerar ka geysteen degmada Bati

Xiisada udhaxeeyo Qowmiyada Amxaarada iyo Oromada ayaa aad usii xoogaystay, waxayna xaalada cirka isku shareertay asbuucii u dambeyay kadib markii rabshadihii ka jiray dalka Itoobiya ay dib usoo bilaabmeen.

Halgan Media.