Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka tirsan Booliska soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ay goordhow ay diyaarad ka soo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamadan ayaa tiradooda waxaa ay gaaraysaa Ku dhawaad 200 oo askari, kuwaasi oo dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho oo markoodii hore laga qaaday.
Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii dalab uu ka yimid madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaasi shuruud ka dhigay bixitaanka ciidamada si ay kaga soo qayb galaan shirka ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb .
Ammaanka magaalada Dhuusanareeb ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga madaxda dowlad gonoleedyada.
Halgan Media.