Raysal wasaaraha gumeysiga Itoobiya oo qaar ka mid ah warbaahinta dalka la hadlay ayaa wuuu sheegay in calanka dartii aan loo baahneen iney rabshado iyo iska horimaadyo dalka uga dhacaan. Malmiihi la soo dhaafay muwaadiniinta Itoobiya gar ahaan Oromada iyo Axmarada bannaan baxyada ay sameeynayeen u adeegsanayeen calamo kala duwan oo isugu jira kan dalka oo dhowr nooc ah.

Maalinti shalay ahaydna waxaa magaalada Addis Ababa isku gacan qaaday Oromaa iyo Axmarada. Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay.

Booliska Itoobiya waxay sheegeen iney jiraan dhaawacyo rabshadahaasi ay sababeen. Sabtida ayaa lagu wadaa iney jabhadda OLF in magaalada Addis Ababa si rasmi ah looga soo dhaweeyo.

Raysal Wasaraha gumeysiga itoobiya Abi Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media