Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerareen saldhig ciidanka Kenya ku leeyihiin degaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Halgan Media in weerarkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Balse, illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo ku saabsan iska hor-imaadka oo kasoo baxay dhinacyadda dagaalamay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Al Shabaab ay dhowr madfac ku tuurtay xerada ciidamada Kenya, kuwaas oo dhankooda ka jawaabay.

Inta badan xarakada Al Shabaab ayaa falal noocaan ah waxay ku beegsataa fariisimaha ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan gudaha waddankeena.

Halgan Media.