Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shabaab ay wiil yar ku dileen degaanka Ufurow, kadib markii ay wilka ku eedeyeen basaasnimo.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa Halgan Media u sheegay in cunug yar oo la sheegay inuu xitta weli qaangaarin ay Al Shabaab toogteen, kadib markii ay ku eedeyen inuu xariir basaasnimo la lahaa Dowlada.

Wilka oo magaciisa naloogu sheegay Watees Ahmed ayaa horey ka dhintay, kadib markii ay Al Shabaab xabad ku dhufteen jirkisa qeybtisa sare sida ay sheegen ilo kamida dadka degaanka oo diiday in aan magacyadooda shaciino amni darteed.

                           Sawir : Watees Ahmed

Dilka loo geystay Allahu naxaristo Watees Ahmed ayaa tusaala u ah heerka uu garaay kalsooni la’aanta kadhex jirto kooxda Al Shabaab, taas oo keenaysa in ay cid walba ay ka shakiyaan ay si naxaris la’aan ah u dilaan.

Halgan Media.