Arday laga Afduubtay iskuul la seexdo oo ku waaya Woqooyi galbeed Cameroon ayaa lasoo daayay, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Dowladda.

79 ruux oo arday iyo sedax qof oo kale isugu jira ayaa la Afduubtay siniintii sida ay sheegeen, masuuliyiinta gobolka gaar ahaan Caasimadda Bamenda.

Maamulihi iskuulka, Darawal iyo macalin ayaa wali lahaystaa. Dowladda iyo koox gooni u goosato ah oo ka dhisan goboladda English-ka ka hadlaya ayaa midba midka kale ku eedeeynaayay in ay uu Afduubka ka dambeeyo.

Wasiirka Isgaarsiinta Ciisa Bakary ayaa waxaa uu AFP u sheegay in “dhamaan 79kii Adaray lasiidaayay, lkn ma uusan sheegin faahfaahinno dheeri ah.

Wadaad masiixi ah oo wada hadal lagalay kooxda Afduubka ka dambeeysay aya Reuters waxaa uu u sheegay in Maamule, Darawal iyo Macalin ay wali maqanyihiin.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.