Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa uu manta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Baraay ee gobolka Afdheer.

Boqolaal dadweyne ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan magaaladaasi, kuwaas oo eedeymo u jeedinayay hoggaanka sare ee maamulka Somali Galbeed.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Madaxweyne Mustafa Cagjar.

Qaar ka mid ah Waxgradka ka qeyb galay Dibadbaxaasi oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in Madaxweyne Mustafa Cagjar uu dhibaato ku hayo shacabka gobolka Afdheer.

Sidoo kale waxgaradkani ayaa intaasi ku daray in Madaxweynuhu cid gaar ah uu ugu adeegayo danaha maamulkaasi.

Banaanbaxyo ballaaran ayaa indhawaanahan ka socday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Afdheer ee dalka Ogadenia.

Hoos Ka Daawo Sawiirada

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.