Wararka naga soo garaya dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in diyaaradaha loo yaqaano Helikopter-ka lagu arkay hawaada magalada Wardheer ee Xarunta gobolka Dollo.

Sida aan xogta ku helnay, Diyaaradaha oo gaaraya ilaa Labo xabo (2) ayaa la arkay iyagoo si joogta ah ugu dul heebaabaya magalada sida ay dadka degaanka u xaqijiyeen Halgan Media.

Sido kale, diyaaradahan ayaa la sheegay in ay sun ku bufiyeen qaar kamid ah tuuloyinka ku yaalo duleedka magalada Wardheer ayado halkaa ayku dhaqan yihiin dad reer miiy ah taas oo keentay in Xoolo badan ayku dhintaan sunta ay bufiyeen Diyaaradaha.

Kadibna waxa la sheegay in ugu yaraan 5 mar kusoo degteen tuuloyinka Dhidin iyo Uubataale oo hoos taga magalada Wardheer, weli lama oga sababta ay Diyaaradahan ugu soo laalabanayaan labadaan tuulo oo kala ah Dhidin Iyo Uubataale.

Sido kale ilo wareedyo ku sugan magalada Wardheer ayaa warbahinta Halgan Media la wadaagay sawiro uu kasoo qaaday Diyaradaha xili ay kor heebabayeen magalaada Wardheer,

Hoos ka daawo Sawirada.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.