Qorshahan ay Amisom ku baneenaysa qaybo kamid ah saldhigyadeeda ayaa daba socda iyadoo dhamaadka bishan Febaraayo laguwado in dalka ay Iskaga baxaan illaa 1,000 askari oo katirsan kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Bishii December sanadkii 2017’dii ayay ahayd markii qaybtii ugu horeysay ee katirsan ciidamada Amisom lagasaaro gudaha dalka markaas oo ciidamada nabad ilaalinta Amisom laga dhimay ciidamo gaaraya 1,000 askari.

Golaha amaamka ee QM ayaa doonaya in ciidamada Amisom laga saaro Soomaliya markii lagaaro sanadka 2021 iyadoona inta ka horeyso laguwado in amaanka dalka si tartiib tartiib ah ay gacanta ugu galiyaan Ciidamada Xogga Dowlada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho shalay waxaa ka furmay shir ay Amisom soo qaban qaabisay oo looga hadlayay sidii ciidamada dowlada gacanta loogu galin lahaa dhulalka ay ururka AL Shabaab haatan maamulaan ka hor inta aysan dalka ka bixin.

Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Tigabu Yilma, ayaa shalay furitaanka shirka ka sheegay in ay diirada saari doonaan weeraro baahsan oo ay ku qaadaan goobaha ururka AL Shabaab ay ka sugan yihiin gudaha dalka isagoona sheegay in goobahaasi ay gacanta ugali doonaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.