Wararka ka imaanaya degmada Tuliguuleed ee gobalka Fafaan ayaa sheegayo in galabta ay weerar dhinaca lugta ah ay qabalaha Uswayne ee ka geesteen Maleeyshiyaadka Oromada.

Weerarka ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Tuliguuleed ee gobalka Fafaan, waxaana la sheegay inuu weerarka ku dhawaacmay hal qof oo shacab sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen dadka degaanka, waxaana magaciisa naloogu sheegay Mahamuud Cabdillahi.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u sheegay in Maleeyshiyaadka Oromada ay weerarka ka fuliyeen qabalaha Uswayne oo katirsan degmada Tuliguuleed.

Maleeyshiyaadka Oromada ayaa mar walba dadka rayidka ku xasuuqa degaanka Tuliguuleed iyo qabalaha u dhow, waxaana soo badatay beegsiga shacabka Soomaaliyeed ay u geysanayaan Maleeyshiyaadka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.