Faafaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro gestay oo maanta ka dhacay tuulada Eregratha oo katirsan Waqooyiga gobolka Shoa ee ismamuulka gobolka Axmaraada.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada federalka Itoobiya iyo maleeyshiyaad hubaysan ayaa lagu waramayaa in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Maleeyshiyaadka hubaysan ayaa dagaal ku Qadeen ciidamada federalka Itoobiya, isla marka dagaal xoogan ayaa meesha ka Qarxay.

Wararka ayaa sheegaya inay dagaalkaasi ku dhinteen ilaa 9 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay siidi ay sheegan Warbahiinta Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) oo Ku hadasho Afka dowlada Itoobiya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Axmaraada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.