Ciidamada Shiisheyaha ee dalka kuso duulay, kana yimid wadanka Burundi ayaa 8 caruur ka afduubtay tuulada Miirtaqwa oo katirsan gobolka Shabellaha Dhexe sida ay xaqijiyeen dadka degaanka.

Ilo lagu kalsoonan karo, oo laga helay dadka degaanka ayaa sheegay in marka saacadu ahayd labo saac oo subaxniimo ayey ciidamada Shisheeyaha gudaha u galen tuulada Miirtaqwa, kadibna qafasheen 8 caruur oo aan waxba galabsanin, iyagoo dhamaan ay yihiin caruur aan weli qan garin.

Qafashada kadib waxa la xaqijiyay in ay ciidamada Shisheeyaha ee Burundi ku qasbeen qaar kamid dadka ku nool tuulada in ay xirteen tuuto militari, kadibna laga qaatay sawiro, iyagoo ku bahdilayo shicibka ku nool tuulada Miirtaqwa, kadibna waxa la sheegay in ay ciidamada Shisheeyaha u baxeen dhanka degmada Mahaaday oo ay ciidamada Burundi saldhig militari oo aad uu weyn ay ku leyihiin, iyadoo Burundi kamid ah isbaheysiga caalimga ah de kuso duulay dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Dulaanka ay ciidamada Shisheeyaha kuso qadeen Soomaaliya, wuxuu marwalba keenay in dil, dhawac, kufsi iyo qafalsho loo geysto dadka shacabka ah ee ku nool degaanada ay Gumeystan ciidamada Shisheeyaha, waxana tuusale ku ah 8da caruur ay ciidamada Shisheeyaha ee Burundi oo ay saaka ka afduubteen tuulada Miirtaqwa.

Halgan Media