Dagaalyahano hubeysan oo gaari watay, kana tirsan ururka hubeeysan ee Xarakada Al Shabaab ayaa afduubtay sarkaal katirsan maamulka Jubaland ee uu hogaminayo Axmed Madoobe, waxana sarkaalkas lagu magucaba Sadaam Cali sida lagu baahiyay warbaahinta maxaliga ee gudaha dalka.

Kooxda hubeysan oo wejigood daboolana ayaa hal mar kasoo baxay baaburka, kadibna gacanta ku dhigay sarkaalka isago oo nool, sina kaxeystay. Ila hada lama ogo meesha ay Al-Shabaab u kaxeeysten sarkaalka, sido kale lama ogow hadii uu weli nool yahay iyo in kale.

Maamulka Jubaland weli kama hadlin side Al-Shabaab ugu suratagalay in ay sarkaalka ka afduubtaan iriida laga galo Garoonka diyaaradaha Kismaayo, mana muqaato dadaal ay Jubaland ku jirto sida loo badbaadi lahaa sarkaalka oo u gacan galay Xarakada Al Shabaab.

Halgan Media