Wararka naga soo gaadhaya jaamacada Wollo ee ku taala gobolka Axmaraada ayaa waxay sheegagaan inuu dagaal gacan ka hadal dhex maray ardayda Axmaraada iyo Oromada oo Jaamacada dhigta.

Sida wararku sheegayan ugu yaraan hal Qof ayaa dhintaay. Dagaalka ka dib, Ciidamada Booliis ayaa waxay hareereyeen jaamacada waxaana ardayda qaar loo diiday inay soo galaan Jaamacada.

inkasta oo uu Itoobiya ka dhacay is badal balaadhan hadana waxaa wali sii socda  Qalalaaso iyo isku dhac yada qoomiyadaha u dhaxeeya kuwaas oo aan wali waxba laga qaban.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.