Markii tariikhda aheed 30ka bisha Janaayo, kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xili habeen Askari ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida ay ku dileen gudaha magalaada Muqdisho ee caasaimada dalka Soomaaliya.

Waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay “Canjeex”, kaas oo la dilay xilli uu ku sugnaa suuqa Bakaraha.

Labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Askarigaasi, islamarkii waxaay ka qaateen bastooladu u watay, kadibna goobta ka baxsaday.

Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dilkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa magalaada Muqdisho ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Warkaniyo wixi kaso kordha kalasoco shabkada Halgan Media