Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in labo sano gudaheed ay cagta mariin doonan guud ahaanba maxkamada ay maamusho ururka Al-Shabaab oo ku yaallo daafaha Muqdisho iyo gobolka Shabellaha Hoose.

Axmed Macalin Fiqi oo ah wasiirka cusub ee ariimaha gudaha oo khudba ka jeediyay caasimada Muqdisho ayaa sheegay in ay dowladu wado qorsho lagu hor tagi lahaa dadka u cadaalad doonto Al-Shabaab.

Wasir Fiqi ayaa si sheegay in dhibka u weyn ay tahay musuq masuuq iyo cadaalada darada ka jirto maxkamada ay maamulan dowlada, taas oo keentay in ay dadka u cadaalad doonan maxkamad ay maamulan Al-Shabaab.

Sida muqato, xukuumada cusub waxay dagaal ku wajahi doonta Al-Shabaab dhinac kasta oo ay kamid tahay fikirkaga (ideology), maxkamada iyo Qoriga caradisa.

Halgan Media