Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Golaha la baxay Isbeddel-doonka Jubaland, oo ay hoggaamiyaan Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig, ayaa Heshiis rasmiya ka gaaray Murankii Siyaasadeed ee ka dhashay Doorashadii Maamulkaas ka dhacday bishii Agoosto ee sannadkii 2019.

Seeraar iyo Xiddig, oo bilowgii  isu-sharraxay  Doorashadaas, ayaa markii dambe diiday Hannaanka loo maamulay, waxaana mid kasta iskiis u sheegtay in isaga loo doortay Madaxweynaha Jubaland, si ay cadaadis u saaraan Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay Jubaland.

Heshiiska ay hadda saxiixdeen dhinacyadu, oo ka kooban todoba qodob, waxaa lagu go’aamiyay in la soo af-jaro dhammaan Khilaafaadkii Siyaasadeed ee ka dhashay Doorashadii Jubaland, islamarkaana Xiddig iyo Seeraar si buuxda u aqoonsadaan Dib u doorashada Axmed Madoobe.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in Madaxweynaha Jubaland uu soo dhiso Xukuumad oo tayeysan, taasi oo ay qayb ka yihiin Isbahaysiga Xiddig iyo Seeraar, iyadoo la ilaalinayo Habka Awood-qaybisga Beelaha Jubaland.