Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in iibka hubku uu marayo meeshii ugu saraysay ee abid uu gaadho hubka noocyadiisa kala duwan ee dadwaynuhu ay qaataan.

Sida xogta aan kuhelay qoriga loogu gadashada badan yahay ee AK47 ayaa qiima ahaan gaadhay meel waligii uusan gaadhin waxaana lasheegayaa in gudaha wadanka lagu kala iibsanayo in kabadan 60 kun oo bir taas oo noqonaysa meeshii ugu badnayd oo waligeed lagu kala iibsado.

Dhinaca kale waxaa si lamid ah AK47 ka aad uqaaliyoobay noocyada kale ee hubka ay dadwaynuhu adeegsadaan sida qoriga PKM oo isagu noqday midka ugu qaalisan iyo waliba noocyada kale ee qoryaha iyo bastooladaha oo dhamaan noqday kuwo qaali ah.

Qiimaha hubka ee cirka isku shareeray ayaa lagu micneeyay gadashada hubka oo noqotay mid aad u heer saraysa taas oo lagu sababeeyay dadwaynaha oo isu diyaarinaya colaada kabilaabatay guud ahaan wadanka Itoobiya.

Dhinaca kale hubka faraha badan ee gacanta shacabka galaya ayaa lagu macneeyay ciidamada oo si xowli ah hubkooda u iibsanaya waxayna shacabka gacantooda galay hub aad ubadan oo midkii dowlada ah kaas oo khatar galin kara jiritaanka xukunka wayaanaha.

Diyaar garowga colaada Itoobiya ayaa gaadhay meeshii ugu saraysay kadib markuu qofkasta oo Itoobiya kunool iibsaday qori uu kidifaaco naftiisa iyo maalkiisaba wuxuuna wadanku umuuqdaa mid isu badali doona wadan uu qorigu kataliyo.

Hubka faraha badan ee galay gacanta shacabka ayaa sababi kara colaado sokeeye oo shacabka dhexdooda ah iyo kacdoon dadwayne oo lagu rido xukuumada khaatiga laga joogo ee Abiy Ahmed.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada Abiy Ahmed ayaa aad uga walaacsan hubka faraha badan ee gacanta shacabka galaya waxayna xukuumadu aaminsan tahay in iyada loohubgadanayo.

Halgan Media.