Kooxo hubaysan oo kasoo jeedo Qomiyada Oromada ayaa lagu soo warramayaa in maanta laba wiil oo dhalinyaro ah ay ku rasaaaayeen Qabalaha Hardin oo wax yar u jirto degmada Ma’aayso ee gobolka Shiniile.

Falkan oo maanta ka dhacay Qabalaha Hardin ayaa la sheegay in mid ka mid ah Wiilashaasi oo la xabadayay oo dhintaay, kadib markii oo Ku dhawaacmay Xabada ay soo rideen Oromada, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Maalmihii dambe ayaa waxaa degmada Ma’aayso iyo Qabalaha udhow ka taagnaa cabasho xoogan oo la xariirta weerarada ay maleeyshiyaadka Canfaarta iyo Oromada kuhayaan shacabka Somalida.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.