Wararka nagasoo gaadhaya galbeedka gobolka Wollega ee ismamuulka Oromada ayaa sheegaya inuu maanta dagaal xoogan ka qarxay. Dagaalkan oo udhexeeya Ciidamada Militariga Itoobiya iyo dadka shacabka ah ayaa ka dhacay degmada Gawo Kebe oo sababay khasaare xoogan.

Warka ayaa intaas kudaray in dadka shacabka ah oo aad uhubaysan ay iska caabiyeen ciidamada Itoobiya. Khasaaraha labada dhinac ayaa lasheegayaa in uu kor udhaafay 5 Qof oo dhimasho ah iyo dhaawac aad ubadan oo aan wali lasoo faah faahinin.

Meelo aad ubadan oo dhulka ay Itoobiya Gumaysato  ayaa laga soo sheegayaa dagaalo xoogan oo dhex maraya dadka shacabka ah ee dulmiga diidan iyo ciidanka bahalka ah ee cadaalad darada kucaan baxay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.