Ugu yaraan 25 askari oo kamid ah ciidamada dalka Mali ayaa dhimatay halka 60 kalana lala’yahay kadib markii mintidiin hubaysan ay soo weerareen labo xero oo ay ciidamadu ku sugnaayeen.

Xerooyinka laweeraray ayaa ayaa u dhaw xadka uu Mali lawadaago dalka Burkino Faso.

Dowladdu waxa ay sheegtay in ciidamadoodu ay dileen 15 kamid ah mintidiintii weerarka soo qaaday, iyadoona intaasi raaciyay in ay dib u qabsadeen goobihii lasoo weeraray.

Tan iyo sanadkii 2012’kii waxaa sara usii kacayay qalalaasaha dalka Mali, waqtigaasi oo ay kooxaha jihaadiyiinta ay qabsadeen waqooyiga dalka.

Weerarkii ugu danbeeyay ee ciidamada badan looga laayay dowladda mali ayaana kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee sanadakan lagusoo qaado.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.