Cumar Filish Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magalaada Muqdisho ayaa sheegay in degmada Karaan ay ka mid tahay degmooyinka Gobolkan Banaadir ugu baaxadda weyn balse waxaa uu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad qaswadayaal ah oo degmada amingeeda caqabad ku ah.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay kulan amniga looga hadlaayy oo lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee degmada ka wada waxyaabaha aminiga liddiga ku ah, ayna tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan qof waliba oo dhibaato ku ah degmada.

Dadka shacabka ah ee Ku dhaqan degmada ayuu ugu baaqay in ay ka qayb qaataan nabadda, isla markaana ay la shaqeeyaan maamulka degmada si loo helo xasilooni guud, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay la yimaadaan aragtiyo ay kaga qayb qaadan karaan ammaanka  iyo guud ahaanba horumarka degmadaas.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Karaan ayaa dhawaanahaan waxaa ay ka cabanayeen amini darro ay sheegeen in ay degmada ka jirto, waxaana jirta in xilliyada qaar ay Degmadaas ka dhacaan falal ammaanka lidi ku ah.

Halgan Media.