Diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda ayaa lagu soo warramayaa in maanta lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in diyaaradahaasi lagu arkay hawada deegaanada Diinsoor, Qansaxdheere iyo Bardaale oo hoos yimaada gobolka Bay.

Dadka deegaana ayaa cabsi ka muujinaya in duqeyn xoogan ay ka dhacdo halkaasi, islamarkaana wal wal xoogan ay ku reebeen diyaaradahaasi.

Ina badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeymo ka fuliya Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay ku xoogan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.