Booliska Federalka ee Dowlada Itoobiya ayaa xalay Baaritaano  ka sameeyay xaafado ka tirsan magalaada Addis Ababa.

Ujeedka Baaritaano ayaa ahaa  mid lagu baadi goobayay koox habeenkii dhac ka geystay caasimada Addisa Ababa, howlgalka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu dhacay xafaadaha ku yalla koonfurta magalaada.

Ciidamada Booliska ayaa  la sheegay in Baaritaankaasi  lagu soo qabtay dhalinyaro isticmaaleeysay waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwo wata Midiyo oo loo maleynayo in ay yihiin kuwa ay ka cabanayaan Shacabka ku nool magalaada.

Addis Ababa ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka jira cabsi aad u fara badan oo ay muujinayaan Shacabka Ku nool magalaada, kaasi oo ku aadanaa in koox burcad ay dhac ka geysanayeen Addis Ababa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.