Magaalada Beledweyne ee Xaruunta gobolka Hiiraan ayaa caawa Fiidkii weerar bam-gacmeed lagu weeraray Maqaaxid, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka Xafiiska Halgan Media ee Beledweyne, haatan soo gaaray ayaa sheegaya in qaraxaan ahaa bam gacmeed nooca F1-ka, waxaana la sheegay in lagu dhextuuray goob Maqaaxid ah oo Askar iyo shacab ay wada fadhiyeen ku yallo xafaada Suuqa Xoolaha.

Ugu yaraan Labo qof ayaa ku dhawacmeen qaraxan, sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Weerarka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Ma jiro illaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay maamulka magalaada Beledweyne oo ku aadan weerarkaasi.

Halgan Media.