Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa uu manta ka dhacay qeybo ka mid ah magalaada Qabridahare ee Xaruunta gobolka Qorahay.

Boqolaal dadweyne ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan magaaladaasi, kuwaas oo eedeymo u jeedinayay hoggaanka sare ee maamulka Dowlad degaanka Somalida.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Madaxweyne Mustafa Muxumed Omer (Cagjar).

Qaar ka mid ah waxgaradka ka qeyb galay Dibadbaxaasi oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in Madaxweynaha degaanka Somalida uu dhibaato ku hayo shacabka gobolka Qorahay.

Sidoo kale waxgaradka ayaa intaasi ku daray in Madaxweynuhu cid gaar ah uu ugu adeegayo danaha maamulkaasi.

Banaanbaxyo ballaaran ayaa indhawaanahan ka socday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Qorahay ee dhulka Somali Galbeed.

Halgan Media.