Wararka kaimaanaya magaalada harar ee saldhiga uah maamulka Hararida ayaa tibaaxaya in maanta ay kadheceen mudaharaadyo nabadeed balse markii danbe isubadalay rabshado walow aan lasheegin wax khasaare ah oo kadhashay,

Dhankakale waxaajira warar sheegaya in xarunta booliska Hararida lagadajiyay calankii deegaanka hararida islamarkaana laga taagay kii Oromada, waxay wararku intaa kudarayaan in arintan aysameeyeen ciidamada ismaamulka ee hararida oo intoodabadan kasoojeeda qoomiyada oromada.

Waxaa jidadka lagu arkayay ciidamada ismaamulka  hararida oo gawaadhidooda dulsudhay calanka Deegaanka Oromada iyo kan jabhada OLF wolow aysan jirin cid arintan faahfaahin kabixisay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.