Dibadbax ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magalaada Jigjiga ee Xaruunta gobolka Faan gaar ahaan agagaarka masjid nuur oo ku yaal xaafadda 3aad ee magaalada Jigjiga.
Dibadbaxan ayaa waxaa isugu soo baxay dad doonayay in la siidaayo Axmed nuur saahid oo muddo ku xidhan Jigjiga walina aan xoriyadiisii helin.

Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa ka hortagga dibadbaxyada aan sharciga ahayn oo soo gaadhay goobta dadkani isugu soo baxeen ayaa kala eryay dadkii isugu soo baxay.

Intaa kaddib goobtii dibadbuxu ka socday ayaa isku badashay rabshad ay waxyeelo kasoo gaadhay dibadbaxayaashii iyo xubno booliska ahaa sidoo kale mulkiilayaasha meherado qaar goobtaa ku ag yaalay ayaa iyaguna ay dhibaato soo gaadhay.

Hoos Ka Daawo Sawiirada