Dibadbaxani oo ay ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayaa waxa uu maanta ka dhacay degmada Wafdhuug ee gobolka Doolo.

Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday Guddomiyaha gobolka Doolo iyo taliska Mustafa Cagjar.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Hogganka Fashilmay Mustafa Cagjar, kuwaas oo ay kaga cabanayeen maamulkiisa. Mid ka mid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxaasi ayaa Halgan Media u sheegay in u jeedada ugu weyn ay tahay in aysan ku qanacsaneen hoggaanka gobolka Doolo.

Xaaladda Wafdhuug ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana jira kulamo siyaasadeed oo si gooni gooni ah uga socda gudaha magaaladaasi.

Hoos ka daawo Sawiirada