Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaraada ee woqooyiga wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay halkaas kadhaceen kacdoono waawayn oo shacabka kasoo jeedo Qomiyada Dhaanbuk kaga soo horjeedaan go’aankii Ismaamulka Axmaraada ee ku aadan in biyaha laga jaaro degmada Hamusit.

Warar lagu kalsoon yahay ay Halgan Media heshay ayaa sheegaya in degmada Hamusit biyo la,aantii ugu xumayd kataagantahay qaybo kamid ah xaafadaha degmada kadib markii ay Ismaamulka Axmaraada biyaha jareen, waxaana wadooyinka waawayn lagu dhax arkayay shacabka magalaada oo banaanbaxyo xitta qar kamid dadka oo xiray jidka u dhaxeysa degmada Hamusit iyo magalaada Gonder.

Weli lama ogow sababta ay Mamuulka Axmaraada biyaha ka xirteen degmada Hamusit, sikastaba ha ahaatee maamulka dhiigya cabka ah ee Axmaraada ayaa noqday mid meeshuu fadhiistaba lagaga kaco isla markaana umuuqda mid quus taagan hada.

Hoos ka daawo sawiirda