Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya gar ahaan ismamuulka Oromada ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay rasaas ku fureen xafiis ay Jabhada OLF ku leyihiin degaanka Borset oo katirsan Bariga gobolka Shawa.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada Itoobiya ayaa sii naxariis la’aan rasaas ku furay xafis ay Jabhada OLF ku leyihiin degaanka Borset oo 121 kilomitir u jirto magaalada Addis Ababa, waxaana la xaqiijiyay inuu hal qof oo shacab ah ku dhintay rasaasta, halka ay 7 kale ku dhawaacmeen.

Sidoo kale waxa la sheegay markii ay xabadaha socdeen in ay xafiiska joogeen Kenesa Ayana iyo Bilisumma Alemayehu oo ah masuuliyiin katirsan jabhada OLF oo xafiiska joogay.

Muddooyinka u dambeysay waxaa ismamuulka Oromada kasocday dagaalo u dhaxeeyo ciidamada Itoobiya iyo koox hubeysan oo wato magacyo kala duwan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.