Wargey kasoo baxo magalaada Berlin ee dalka Jermalka ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo ku xirnaay xabsiga JVA Tegel ee ku yallo magalaada Berlin meydkiisa laga helay qolkiisa sakay sagaalkii subaxniimo.

Wargeyska weli ma shaacin marxuumka maaciisa madaama ay weli ku guda jiraan baritaan ku aadan geerida marxuumka, sidoo kale ma sheegin sababta uu u xirna.

Halgan Media ayaa la xariirtay qaar kamid ah masuuliyinta Jaaliyada Somalida ku dhaqan dalka Jermalka, waxayna sheegen inay ku daba jirin siidi ay u ogaan lahayeen magaca marxuumka iyo siidi loo raadin lahaa ehelkiisa.

Dalalka reer galbeedka waxaa ku xiran kumanaan Soamli ah loo heysto dembiyo kala duwan, qaarna loo heysto inay dalalka sharci la’aan ku joogan.

Warkan iyo wix i kasoo kordha kala soco Halgan Media.