Sida uu baahiyay Wargeeys laga leeyhay wadanka Norway oo Nettavisen lagu magacaabo Dowladda Norway ayaa dooneeysa in ay dib usoo celiso Dad Soomaaliyeed oo dalkaas ka codsaday Magan galiyo.

Dowladdu waxay sheegtay in Al-shabaab dhul laga qabsaday, hadana Dowladdu ay shaqayso.

Norway waxaa ay u aragtaa in ay meesha ku jirin wax yaabaha ay Dad Soomaalidu sheegayaan in aysan Dalka ugu soo laaban Karin, waxay doowladdu hakineeysaa Codsiyadii magangaliyo doonka.

Heey’adddo ay ka midiyiihin Heey’adda Magangalyo doonka ee Norway, Sanduuqa Badbaadada caruurta ee Save the children iyo Hey’ado kale oo u dooda xuquuqul insaanka ayaa Dowladda Norway ku eedeyay in ay ku xad gudbeeyso Heshiiska Qaxootiga ee QM.

Heey’adahan ayaa Dowladda ka dalbaday in joojiso dib u soo celinta Dadka Soomaaliyeed codsaay magangaliyadda.

Laakiin Dowladda Norway waxa ay ku doodeeysaa in Xasiloonidda Soomaaliya ay ka wanaagsantahay markii Dadka magan-galiyadda codsaday ay Dalka carareen.

Sidaas Darteedna ay lagama maarmaan tahay in Dadku ay dalkooda ku laabtaan.
Dadka Soomaaliyeed ee Dalka Norway ku nool waxay gaarayaan in ka badan 30,000 oo ruux.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.