Sida aan ku heleyno wararka ka imaanaya xadka gobolka Benshangul iyo gobolka Axmaraada ee Galbeedka Itoobiya barakac xoogan ayaa ka bilowday xadka u dhaxaysa labada Gobol.

Barakacan ayaa yimid, kadib markii dhawaan 18 qof Ku dhintaay dagaal xoogan oo dhex maray Maleeyshiyaad kasoo jeedo Qomiyadaha Axmaraada iyo Benshangul.

Dadkii ugu badnaa ayaa la sheegay in ay isaga barakaceen tuuloyinka ku tallo xadka labada gobol, kadib markii ay sii xoogeysatay cabsida laga qabo inuu dagaaal mar kale uu ka dhaco halkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.