Wararka ka imaanaya gobolka Qorahay ayaa sheegaya in barakac xoogan uu ka socdo degaanada kala duwan ee gobolkaasi.

Dadkan oo ka soo barakacay abaaro hor leh oo ku dhuftay deegaano ka tirsan gobolka Qoarahay ayaa waxa ay sheegeen in ay iskugu darsoomeen dhibaato Biyo la’aan iyo caqabado heysta xoolihii ay dhaqanayeen oo halkaasi ku le’anaya.

Qaar ka mid ah Barakacayaasha oo u warramay Idaacadda Halgan Media ayaa waxa ay tilmaameen inay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah. Weli Mamuulka Mustafa Cagjar kama hadlin dhibaatada oo Abaaraha kuhaayo shacabka iskabaa dhaaf inay wax ka qabtaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.