Madaxa Guddi-hoosaaska Barlamaanka Europe ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha waxay War Saxaafadeed ka soo saartay xaalladda liidata ee ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku hawl-galaan iyo Tacadiyada joogtada ee ay kala kulmaan Ciiddamadda Dowlada Federalka Soomaaliya, kuwa Maamul gobaleedyada iyo kooxaha kale ee hubeysan.
Qoraal ay soo saartay Madaxa Guddigaasi, Mariya Arena ayey ku muujisay inay weli sii socdaan weeraradda ka dhan ah Suxufiyiinta Soomaalida iyo Xadaynta Xorriyadda Saxaafadda Somalia.
Waxay kaloo sheegtay inay bogaadinayso Suxufiyiinta Soomaalida ee Noloshooda khatar u geliyey inay si xor ugu shaqeystaan Mihnadooda iyo Difaacida Warbaahinta Madaxa bannaan.
“Dilkii Saxafiga Saciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa Weriyayaasha Kalsan TV ee bishan May 4-dii lagu dilay Muqdisho waxaa ka argagaxay dhamaan Mujtamaca Suxufiyiinta ku sugan gudaha Somalia” ayey tiri Madaxa Guddi-hoosaaska Barlamaanka Europe ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha.
Waxay kaloo ugu baaqday DFS inay sida ugu dhaqsaha badan, dhexdhexaad, madax-banaani ah u baaraan dilkaasi naxdinta leh, isla markaana ay kuwii kadambeeyey hor geeyaan Caddaalada.
Sidoo kale, Mariya Arena waxay ku boorisay Maamulka ka talliyo Waqooyiga Soomaaliya loo yaqaan Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan oo aan shuruud lahayn lagu sii daayo Weriye Cabdimalik Muuse Coldoon oo u xidhen taliska Muuse Bixi.
Warkan iyo wixi ka soo kordha kala soco Halgan Media.