Xildhibaanada baarlamanaka federaalka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansaxiyay Ra’isul wasaarihii Magacownaa oo hadda si rasmi ah u noqday Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka.

Guud ahaan kooramka oo ahaa 215 xildhibaan ayaa dhammaan waxa ay ” Haa” ugu wada codeeyeen Ra’isul wasaaraha ma jirin Xildhibaan diiday, sidoo kale ma jirin xildhibaan ka aamusay.

Haddaba Mudane Maxamad Xuseen Rooble wuxuu si rasmi ah u noqday Ra’isul wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka kaasi oo beddeli doona Ra’isul wasaarihii ay codka kalsoonida kala noqdan Xildhibaanadaan maanta u codeeyay Ra’isul wasaaraha cusub.

Ra’isul wasaaraha Cusub ayaa lagu dhaariyay isla xarunta golaha Shacabka waxaana halkaas ku dhaariyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamad C/llahi Farmaajo ayaa jeediyay khudbad uu xildhibaanada uga mahad celinaayo kalsoonidii ay siiyeen Ra’isul wasaaraha uu Magacaabay.

Halgan Media.