Waxaa Gobolka Doolo lagu heshiisiiyay Beelo Walaalo ah oo xur guf u dhexeysa ay ka taagneed degmada Mir Khalifo ee Gobolkaasi.

Sida uu Idaacadda Halgan Media u xaqiijiyay dadka degaanka, waxaa Heshiiskaasi ka qeyb qaatay odayaasha iyo wax garaadka ka soo jeeda deegaanadaasi.

Colaada udhaxeysa Beelaha walaalaha ah ayaa salka ku haysa dilal siyaabo kala duwan uga dhacay degmada Mir Khalifo iyo degaanada kala duwaan ee bariga gobolka Doolo.

Ujeedka ayaa lagu sheegay inuu yahay si xal loogu raadiyo xiisad beeleed ka oloolsan degmada Mir Khalifo ee gobolka Doolo, taasi oo udhaxaysa Beelo walaalo ah.

Xiisad Beeleedkaasi ayaa waxaa saameyn ba’an  ku yeesheen qeybaha Bulshada deegaanadaasi iyadoo  uu gullaaftay dad badan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.