Wararka naga soo gaaraya gobolka Fafaan ayaa sheegaya inay maleeyshiyaadka Oromada mar kale weerar is daba joog ah ka fuliyeen degmada Tuliguuleed.

Ilo degaanka ah ayaa sheegay inay Maleeyshiyaadka Oromada galabati weerar kusoo qaaden tuulada Dharcaseeye oo katirsan degmada Tuliguuleed ee gobalkaasi Fafaan, kadibna ku dateen gudaha Tuulada, waxaana weerarka ku dhawaacmay hal qof oo shacab ah.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan tuulada Gabagabo oo katirsan degmada Tuliguuleed ayaa weerar xoogan la kulmay kadib markii ay maleeyshiyaadka Oromada weerar soo qaadeen.

Mamuulka Mustafa Cagjar weli kama hadlin weerarada soo noq noqoonayo oo lagu beegsanaayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Tuliguuleed, waxaana muuqata inuu iska indha tirayo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.