Waxaa maanta oo Arbaca ah dib u biloowday qaadaahada Baasaboorka Soomaaliga ah oo muddo ku dhow 3 bilood xanibnaa.

Wasaarada duulista hawada iyo jinsiyada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u biloowday bixinta iyo cusbooneeysiinta baasaboorka Soomaaliga.

Ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in heshiiska qandaraaska shirkada sameeyneeysay Basaboorka Soomaaliya ee laga leeyahay dalka Iimaaraadka la cusbooneeysiisay kadib markii dalkaasi uu tagay wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Dhibaato badan ayaa baryihii ugu dambeeysay waxaa shacabka Soomaaliyeed ay kala kulmayeen hakadka ku jira sameeynta Baasaboorka Soomaaliya dad badan oo arimo caafimaad doonayay in ay ugu aadaan dalka dibadiisa ayaa xanibnaa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.