Wararka naga soo gaaraya Gobolka Doolo ee Bariga Ogadenia ayaa sheegaya in ay ka sii dartay xaaladda biyo la’aaneed ee gobolkaasi.

Meelaha ugu daran ee haatan xaaladaha nololeed ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Yucub, Lahelow, Qoriile iyo Galaadi iyo kuwa kale oo dhacay gobolka Doolo.

Xaalado aad u daran oo la xariira dhinca nolosha ayaa laga soo sheegayaa deegaanadaasi, taas oo sababtay in dadku ay ka hayaamaan halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax gaar gaar ah ama caawimaad ah oo ay heleen dadkaasi dhibaateysan.

Gobolka Doolo ee dalka Ogadenia ayaa ka mid ah meelaha ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka dhinaca nolosha, gaar ahaan Biyo la’aanta

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.