Warar lagu kalsoon yahay oo Halgan Media ay heshay ayaa sheegaya in Qoysas hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay Biyo la’aan darteed ay uga barakaceen deegaano ka tirsan gobolka Doolo.

Deegaanada ay Biyo la’aantu ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Lahelow, Yucub, iyo Galaadi oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Xaalado aad u daran oo la xariira dhinca nolosha ayaa laga soo sheegayaa deegaanadaasi, taas oo sababtay in dadku ay ka hayaamaan halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax gaar gaar ah ama caawimaad ah oo ay heleen dadkaasi dhibaateysan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.