Wararka ka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in Maleeyshiyaadka Boko Xaraam ay dad badan Ku dileen Weerar ka dhacay tuulada Ngamngam ee dalkaasii Nigeria siidi ay sheegan Wakalada Reuters.

Ugu yaraan 20 Qof ayaa la dilay Siidi ay xaqijiyeen Wakalada Reuters, sidoo kale sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad kasoo cararay colaada ka jirto gobolada Waqooyiga ee dalka Nigeria ay waddo maleeshiyaadka Boko Haram.

Milateriga Nigeria ayaa dhawaan xoojiyay duulaanka cirka iyo dhulka ah ee uu Waqooyiga Nigeria ka wado, ka dib markii ay isa soo tareen weerarrada ay geysanayaan Maleeyshiyaadka Boko Xaraam.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku barakcay sabab la xiriira halista Maleeyshiyaadka Boko Haram ee dalka Nigeria.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.