Wararka naga soo gaaraya gobolka Sitti ayaa ku warramayaa in saaka Maleeyshiyaadka Canfaarta dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan xadka u dhaxeeyo gobolka Sitti iyo ismaamulka Canfaarta.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa si aad ah looga dareemayaa Galbeedka gobolka Sitti, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan arrintaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.