Dowlada Federalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadey in la joojiyey booqashadda xabsiyadda muddo bil ah siidi ay sheegen idacaada FANA oo ku hadasho afka Dowlada Federalka Itoobiya.

Idacaada FANA ayaa tilmaamay in go’aankaas uu daba socdo talaabooyinka ay Xukuumada Abiy Ahmed kula dagaalameyso Coronavirus.

Xabsiyadda waddanka ayaa kamid ah goobaha la sheegay in ay nugul u yihiin caabuqaas dunida ku faafaya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.