Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee Xaruunta gobolka Jubbada Hoose.

Saldhigga ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayoa ayaa la sheegay in dhoowr madaafiic ah lagu weerar, iyada oo sidoo kalana ciidamada Kenya ay ku jawaabeen Madaafiic kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhaqa jug culus oo dhaceysa taas oo ay u malaynayaan in ay yihin madaafiic ku dhaceysa.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas lagu weeraray ciidamada Kenya ee saldhigga ku leh deegaanka Cabdalla Biroolle, dhinaca kalana war kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 7 askari ay ku dileen weerarkaas sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda deegaanka Cabdalla Biroole ayaa saakay ah mid degan iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in ay ciidamada Kenya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan mana jirto saameyn dadka degaanka uu ku yeeshay dhaq dhaqaaqaas ay wadaan.

Halgan Media.