Kooxo hubeysan oo ann heybtood la garaneynin, logana shakiyay in ay kamid yihiin burcad badeedka Soomaaliya ayaa shalay kasoo duulay xebaha ku yallo Puntland, kadibna afduubtay Doon laga leyahay dalka Panama sida sy sheegtay wakalada Reuters.

Doonta ayaa la sheegay in ay kasoo baxday daka Imaraadka iyada ku wajahneed Muqdisho, kadina waxey wararka sheegayan in dhexda ay ugaleen sida ay sheegen masuuliyin katirsan mamuulka Puntland oo la hadlay wakalada wararka Reuters.

2004 ila 2012 ayey aheed xiligi ugu badnaa ee afduub loo geysan jiray Marakibta Shisheeyaha oo sii sharci darro ah kaga kaluumeysan jiray Xeebaha Soomaaliya marina u ahayd xiliyada ay isaga kala gooshayaan wadamada ay badeecadaha uwadan.

Lacago aad u badan ayaa laga sameeyay howsha burcad-badeednimada, iyadoo madax-furasho laga helay la-haystiyaasha ajnabiga iyo maraakiibtii ay la socdeen, oo ay ku jireen kuwa Malaayiin dollar laga qaadey.