Wararka naga soo gadhaay magalaada Wardheer ee xaruunta gobolka Doolo ayaa sheegaya inuu caqabad xoog leh haysato isbitaalka weyn ee magaladasi.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay jiraan ciyaal aad u badan oo nafaqaadarro heysa oo ku dhibataysaan isbitaalka Wardheer, iyaga oo malin walba kuwa cusub imaanayo.

Ariintan Caqaabad weyn ayuu ku noqaday shaqaahala isbitaalka Wardheer, madaam ay Isbitaalka heyniin Qalabka lagu talagalay in lagu caawiyo caruurta dhibataysaan.

Dhinaca kale dadka degaanka ayaa Halgan Media usi sheegay inuu magalaada Wardheer kuso bataay dadka Barakacayaasha oo kasoo barakacay reer miyiga, kadib markii oo Xoolahooda ku dhamaatay Abaaraha darteed.

Dadka barakacayaasha, Mamuulka gobolka Doolo weli kama helin wax caawinad ama gurmad siidi ay sheegan dadka degaanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.