Wararka naga soo gadhaay Ismaamulka Shucuubta Koonfured ayaa sheegaya inay ciidamada Amaanka dad shacab ku layeen tuulada Tume oo katirsan degmada Maji ee ismamuulka Shucuubta Koonfured.
Siida aan xogta ku helnay banaanbaxyo ka dhan mamuulka u qabilsan degmada Maji ayaa kasocday tuulo hoos imaada degmada Maji loo yaqaano Tume, waxaayna mamuulka degmada adeegsadeen ciidamada gaarka ay leyihiin Ismaamulka Shucuubta Koonfured.
Markii ay ciidamada Gaarka gareen goobta, waxaay islamarkii rasaas kula kaceen dibaadbaxyaasha, waxaana rasaasta ku dhintay lix qof siidi ay xaqijiyeen qar kamid dadka degaanka oo la hadlay idacaada DW News ee laanta Axmaraada.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halagn Media.