Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa Warbaahinta usheegay in Ciidamada Booliska Mamulka Puntland ayaa Howlga ay ka sameeyeen bartamaha Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxa ay kusoo saareen qaraxyo miino oo lagu Aasay Hareeraha Wadada.

Taliyaha ayaa sheegay in qaraxan lagu doonayay in lagu dhibateeyo shacabka kunool Boosaaso balse ay ka hor tageen ciidamda amaanka Maamulka ayna bilaabeen howgallo ay kusii baarayaan magaalada si loo xaqiijiyo amaanka magalada.

Taliyaha ayaa cadeeyay in Howlgalkan ay siwadajirka ah ufuliyeen Ciidamada Booliska iyo kuwa PSF-ta Puntland ayn kusoo saareen Miinooyinka lagu doonyay in lagu dhibaateeyo shacabka Puntland.

Ciidamda Amaanka Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay magaalada Boosaaso kawadeen Howlgallo ay sheegeen in looga hortagayo dad cadoow ku ah nabada Maamulkaasi oo kusgan gudaha Magalada Boosaaso oo xarun ah Gobolka Bari.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.